HomeWararKulan aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Manhajka (Sawirro)

Kulan aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Manhajka (Sawirro)

Date:

Related stories

President Hassan Sheikh Travels to Djibouti for President Guelleh’s Inauguration

Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Djibouti on...

Somalia Faces 40% Drop in Imports and Rising Inflation, Cabinet Responds

Somalia’s federal cabinet today approved new security regulations and...

Soomaaliya iyo Burkina Faso oo iska kaashanaya amniga

Fartaag oo Burkina Faso kula wadatay argagixisada Ouagadougou, – Wasiirka Amniga...

Somalia’s Office of Attorney General Presses Charges on Saadiya Bajaj

The Office of the Attorney General of Somalia announced...

Deni oo tababar hubka culus u furay dagaalka Argagixisada

Puntland: Madaxweyne Deni oo tababar hubka culus iyo hoggaaminta u furay duufacdii 6-aad ee PMPF. “Waxaan kalsooni qabaa in ay difaaci doonaan dadka.” Akhri maqaalka
Waxaa labadii (2) maalin ee ugu danbeysey la qabtey aqoon-is-weydaarsi
ku saabsan Manhajka. Waxaa looga hadlayay fursaddaha ku jira iyo
xiriirka ka dhexeeya maadooyinka uu ka kooban yahay Manhajka
taariikhdu markey aheyd 25-26 Feb 2015 oo lagu qabtey Magaalada
Cadaado, Dowlad Goboleedka Ximan & Xeeb, Gobolka Galgaduud, Somaliya.
Ujjeedada kulankaasi wuxuu ahaa sidii loo dhiiri-gelin lahaa in
manhajka waxbarashada la raaco sida:
*    In laga hadlo muhiimada koowaad ee uu leeyahay Manhajka in la raaco
*    In la qeexo oo la raadiyo Xiriirka ka dhexeeya maadooyinka Manhajka ;
*    In la wadaago Xiriirka ka dhexeeya maadooyinka ku jira Manhajka ;
Mudane Axmed Xusen Kheyre, Xoghayaha Waxbarasha ee Gobolka ayaa
sheegey ahmiyadda ay leedahay kulankan iyo sida ay macalimiinta uga
faa’iideysan karaan manhajka. Wuxuu sheeg in laga doonayo macalinka
inuu tixraac ku sameeyo manhajka xili walba ee uu cashar diyaarin
sameynayo.
Mudane Cabdulahi Cabdiraxman Xusen, Duqa Magaaladda Cadaado ee
Maamulka Ximan iyo Xeeb Gobolka Galgaduud ayaa isagana dhankiisa
sheegey in loo baahan yahay in Bahda Waxbarashada iyo Maamulka Gobolka
ay iska kaashadaan sidii loo horumarin lahaa isticmaalka manhaj
mideysan ee dhamaan dugsiyadda ay ka siman yihiin.
Xubinno ka tirsan Ururka Wadaniga ee U-dooda Waxbarsho Loo Dhan Yahay
ee “Education For All Somalia – EFASOM”, Mudane Maxamed Muxumed Cali
iyo Marwo Farxiyo Cali Osman ayaa dhan kooda sheegey ahmiyadda loo
agaasimey kulankan inuu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa isticmaalka
manhajka si uu ardayga u helo waxbarasho tayo leh.
Dhanka ka soo qeyb-galayaasha waxaa u Hadley Marwo Aamin Ahmed Xalane
oo sheegtey in kulankan 2-da maalin ahaa ay wax weyn ka korosadeen.
Ugu danbeyntii waxaa ururka wadaniga ah ee u-dooda Waxbarasho Loo Dhan
Yahay (Education For All Somalia – EFASOM) ay soo saartey
Warsaxaafadeed ay ugu baaqeyso dhamaan:
1.    Maamulayaasha Dugsiyadda iyo Macalimiinta
2.    Bahda waxbarashada ee Gobolka
3.    Maamulka Ximan & Xeeb
4.    Wasaaradda Waxbarashada ee Dowlada Federaalka ah
Waxaan ugu baaqeynaa in la iska kaashado sidii loo sare loogu qaadi
lahaa tayada waxbarashada dhalaanka soomaaliyeed iyo macalimtooda.

ah1 ah2 ah3 ah4 ah5 ah6 ah7 ah8 ah9

Waa mahadsan tihiin.

Waxaa diyaariyey: EDUCATION FOR ALL SOMALIA,
Email: contact@efasom.org, www.efasom.org, Taariikhda: 26-Feb-2015

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories