War Saxafadeed:
Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa soo saaray digreeto uu xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii maxkamadda sare ee dalka Md. Yuusuf Ismaaciil Cali, isagoo madaxweynuhu sababeeyay asbaabaha dhaliyay in xilka laga qaado.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul waxaannu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3197/042015 xilkii uu qaranka u hayey kaga qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare, isaga oo madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii buuxin lahaa gudoomiyenimada.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 105aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Warbixintii iyo talo soo jeedintii Guddida Cadaaladda, taasoo tilmaamaysay in ay adagtahay wada shaqaynta Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddida Cadaaladdu;
Markuu Arkay: Cabashooyinka is-dabajoogga ah ee dadweynuhu ka muujiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Garsoorka Dalka;
Markuu Yaqiinsaday:In loo baahan-yahay isbeddel lagu sameeyo Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka;
Wuxuu Go’aansaday
In laga bilaabo taariikhda maanta uu xilkii Guddoomiyenimo ee Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaado Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali. ALLAA MAHAD LEH.â€