Cadaado(Radio Dalsan):- wafdi ka iskugu jira xildhibaanada labada aqal ee baarlamanka lagana soo doortay deegaanada Galamudug ayaa maanta qaar kood waxa ay ka dagteen magalada Cadaado waxaana wafdiga hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa
Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed oo kamid ahaa wafdiga ayaa sheegay in ay Cadaado u’tageen xalinta xiisada siyaasadeen ee ka’taagan magaladaasi wuxuuna xusay in ay lakulmi doonaan xildhibanada xilka qaadista ku sameeyay C/kariin Guuleed kalana hadli doonaan dajinta xiisada siyaasadeed
dhanka kale Xildhibaan Maxamed Xassan Geele oo kamid ah xildhibanada Galmudug ee xilka qaadista ku sameeyay C/kariin Guuleed ayaa Dalsan u’sheegay in aysan marnaba lagulki doonin xildhibaanada kuwaa uu ku eedeeyay in ay yihiin kuwo kadanbi badan C/kariin Guuleed uuna sheegay in ay danbi kagaleen shacabka Galmudug danbigaa uu ku sheegay inuu yahay musq-maasuq ay ku soo baxeen xildhibaanadaasi
Halkan Hoose Ka Dhageyso Codka Xildhibaan C/xakiin Macalin Axmed
Halkan Hoose Ka Dhageyso CodkaXildhibaan Maxamed Xassan Geele