War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inuu ka xun yahay dagaaladii shalay ka dhacay Gaalkacyo, oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 3 qof, kuna dhaawacmeen dhowr kale.
Waxa uu ugu baaqay dhamaan Kooxaha isku haya Gaalkacyo inay xushmeeyaan Heshiiskii Xabbad-joojinta ee ay wada saxiixeen.
War-saxaafadeedka waxaa lagu muujiyey tan iyo markii la kala qaaday Ciiddanka bishii November 18-dii ee sannadkan inay Guddiga Isku-dhafka ee Maamulka Deegaanka iyo Odayaasha Puntland iyo Galmudug sameeyeen dadaal lagu doonayo in la dhowro Xabbad-joojiyo, iyadoo loo marayo Wada-xaajood.
Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxa uu ugu baaqay Maamuladda Galmudug iyo Puntland inay xaliyaan Kala-duwanaanshahooda iyo inay si degdeg ah ugu heshiiyaan tallaabooyin lagu qaadayo Jid-gooyada, lagu furayo Waddooyinka in Ciiddamadda la kala qaado dib-u-dhac la’aan.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in Qas-wade kasta ee ka soo horjeeda Nabadda iyo Deganaanshaha la kormeeri doono
Dhinaca kale, Michael Keating waxa uu tilmaamay inay xaalladda Gaalkacyo kordhisay Walaaca Khatarta ee Hawlaha Samafalka Aadminimo, iyado jidadka xiran dhibaato ku noqdeen Gadaiidka wada shixnadaha Samafalka ee loogu talagalay dadka ay Abaaruhu dhibaateeyeen
Ugu dambeyn, War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxaa loogu baaqay Madaxda Galmudug iyo Puntland inay sii wadaan dadaalkooda Hoggaamineed si Xal Nabadeed looga gaaro Xiisadda iyo in xal degdeg loo helo Jid-gooyadda Waddooyinka, si hubaal looga ddhigo Ammaanka iyo Dhaqdhaqaaqa xorta ee Shaqaalaha Samafalka iyo  shayda ay wadaan loo gaarsiin lahaa dadka u baahan Gargaarka Aadminimo ee Degdegga ah.
 ©Radio Dalsan