HomeWararHoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka oo loogu baaqay  inay ka hor tagaan si...

Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka oo loogu baaqay  inay ka hor tagaan si aan Hantida Qaranka loogu adeegsanin Hawlaha Doorashadda.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

War-saxaafadeed ay si Wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain iyo Dowladda Maraykanka ayaa ugu horreyn ku baaqay in xubnaha Madasha Hoggaanka Qaran ay ka hortagaan cabashooyinka ka imaanaya hannaanka doorashada. War-saxaafadeedka waxaa lagu yiri “Saaxiibada Beesha caalamku waxay hay’adaha Soomaaliyeed iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

War-saxaafadeed ay si Wadajir ah u soo saareen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-goboleedka IGAD, Dowladaha Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Britain iyo Dowladda Maraykanka ayaa ugu horreyn ku baaqay in xubnaha Madasha Hoggaanka Qaran ay ka hortagaan cabashooyinka ka imaanaya hannaanka doorashada.

War-saxaafadeedka waxaa lagu yiri “Saaxiibada Beesha caalamku waxay hay’adaha Soomaaliyeed iyo gaar ahaan guddiyada doorashada ee gaarka ah ee dalku leeyahay ugu hambalyeynayaan horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray doorashada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka ee soo socda. Codeyn ayaa loo qabtay 43-kursi ee 54-ka kursi ee Aqalka Sare ee baarlamaanka. Waxaa sidoo kale la qabtay doorashada 112 kursi ee 275ka kursi ee Golaha Shacabka”.

- Advertisement -

Beesha Caalamka ayaa ku taliyey in Barlamaanka cusub iyo dowladda federaalka ee soo socota loo soo doorto si waafaqsan xeerarka ay dejisay Madasha Hoggaanka Qaran ayna hirgeliyaan Guddiga Federaalka ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GFHDD) iyo Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashada Dadba (GDGHDD). Sharciyadda iyo xalaalnimada dhabta ah iyo sida loo arko hannaanka ayaa muhim u ah in la aqbali karo lagu kalsoonaan karo Barlamaanka iyo dowladda federaalka ee soo socota.

Muhimadda ay leedahay shaqada Hannaanka Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban (HXKHDD) oo dib u eegid ku sameynaya cabashooyin badan ee ka soo gaara musharaxiinta diiwaangashan si ay qof qof ugu qiimeeyaan in la rumeysan karo cabashooyinkooda, ayay Beesha caalamku hoosta ka xariiqday. Waxay sidoo kale aqoonsan tahay kaalinta mugga leh ee ay Odey dhaqameedyo badan ka cayaarayaan xallinta khilaafaadka u dhexeeya Beesha dhexdeeda.

“Saaxiibada caalamku waxay sii wadaan inay walaacooda la wadaagaan madaxda ku habboon oo ay kamid yihiin madaxweynayaasha maamul-goboleedyada” ayaa Warsaxaafadeedka lagu yiri. Waxayna Beesha Caalamku muujiyeen sida buuxda ee ay u taageerayaan go’aanada ay guddiyada GFHDD iyo HXKHDD ku hakiyeen codaynta kursi gaar ah ama reebid musharax guulaystay iyadoo loo cuskanayo caddayn buuxda oo xaqiijinaysa cabasho wax isdabamarin halis ah oo la xiriirta geedi-socodka doorashada.

- Advertisement -

Waxay ku boorrinayaan GFHDD iyo GDGHDD inay u hogaansanaadaan waajibaadyadooda shaqo iyagoo u danaynaya daahfurnaanta iyo isla-xisaabtanka. GDGHDD waa inay waqtiga loogu talagalay usoo gudbiyaan GFHDD liisaska ergada iyo musharaxiinta, qoondada kuraasta u gaarka ah musharaxiinta haweenka ah iyo natiijada codbixinta hordhaca ah. GFHDD waa inuu daabacaa liisaska musharaxiinta baarlamaanka uuna u faafiyaa si ballaaran.

“Geedi-socodkan doorasho wuxuu u socdaa si aad uga wanaagsan sidi dad badan ay saadaalinayeen saddex ama lix bilood kahor. Arrinta waxaa ka dhalan kara cawaaqib aad u xun haddii dhacdooyin ku-takrifal, sharci jebin iyo anshax xumo ah ay dhaawacaan wax haddii la hagaajiyo noqon lahaa guul ballaaran,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating. “Waxaa lagama maarmaan ah in HXKHDD uu baaritaan ku sameeyo warbixinnada lagu kalsoonaan karo ee ku saabsan ku-xadgudubka xeerarka iyo nidaamyada geedi-socodkan, iyo in tallaabada ku habboon la qaado si loo ilaaliyo sharciyadda Geedi-socodka”

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts