HomeWararDhaqdhaqaaqa ODM oo sheegay inaysan Weeraradda Alshabaab hakan doonin haddii la xiro...

Dhaqdhaqaaqa ODM oo sheegay inaysan Weeraradda Alshabaab hakan doonin haddii la xiro Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Kenya  ee “The Orange Democratic Movement (ODM) ayaa lagu  cambaareeyey Go’aanka ay Dowladda Kenya ku  xirayso Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma, waxaana la sheegay in qorshaha Qaxootiga Soomaalida sida khasabka leh loogu celinayo dalkooda hooyo aysan xal u noqon doonin cabsida dhinaca Argagixisadda ee ka jirta Kenya. Agaasimaha ODM […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Kenya  ee “The Orange Democratic Movement (ODM) ayaa lagu  cambaareeyey Go’aanka ay Dowladda Kenya ku  xirayso Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma, waxaana la sheegay in qorshaha Qaxootiga Soomaalida sida khasabka leh loogu celinayo dalkooda hooyo aysan xal u noqon doonin cabsida dhinaca Argagixisadda ee ka jirta Kenya.

Agaasimaha ODM ugu qaabilsan Doorashooyinka, Xildhibaan Junet Maxamed oo ku saxiixnaa Qoraalkaasi ayaa tilmaamay inaan Qaxootiga lagu eedeyn Karin falalka Argagixisadda, wuxuuna tusaale u soo qaatay weeraradii ka dhacay dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Belgium.

- Advertisement -

“Isbahaysiga ODM waxa uu u arkaa go’aanka lagu xirayo Xerooyinkaasi tallaabo khatar lagu gelinayo Nolosha Kumanaan qof oo aan waxba galabsanin” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi oo intaasi sii raaciyey inay tallaabadaasi noqon doonin mid sax ah Siyaasad ahaan, Dhaqaale ahaan iyo Moraal ahaanba.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in go’aanka lagu xirayo Xerooyinkaasi ka hor imaanayaan Sharciyadda Caalamka, iyadoo la og yahay inaysan Somalia weli ka jirin Nabad horseedi karta in dib loogu celiyo dadkii Qaxootiga ee ka soo cararay Macluusha iyo Colaadaha.

Isbahaysiga ODM waxay kaloo sheegeen inay Guddiga Difaaca iyo Xiriirka Dibedda ee Barlamaanka Kenya gadaal ka  riixayaan  go’aanka ay Dowladda Kenya  ku xirayso Xerooyinka Qaxootiga ee Dhadhaaab iyo Kakuma.

- Advertisement -

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Kenya, Amina Maxamed waxay sheegtay inay Beesha Caalamka ku fashilmeen inay Dhaqaale ku taageeraan Qaxootiga ku jira Xerooyinkaasi, taasina ay Dowladda Kenya ku kalliftay inay qaataan go’anka lagu xirayo Xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.
qaxootiga dadaab iyo kakuma dhadhaab

©Radio Dalsan

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts