Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye†ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inta u dhexeysa 200 ilaa 200 Somali ah ku hafteen Badda Mediterranean-ka, xilli ay doonayeen inay si sharci-darro ah ku gaaraan Europe.
Wasiirka ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Wakaalladda Wararka ee REUTERS, wuxuuna xusay inay macluumaadkaasi asaas uga dhigayaan Warbixino ay Safaaradda Somalia ku leedahay Masar iyo Qurbo-joogta soo ururiyeen labadii maalmood ee la soo dhaafay.
“Ma hayo tiro rasmi ah, balse waxay u dhexeysaa 200 ilaa 300 oo Tahriibayaal Somali ah†ayuu yiri Wasiir Xayir oo khadka Telefoonka kula hadlay REUTERS, wuxuuna intaasi ku daray inaan la haynin tiradooda rasmiga, maadaama ay si sharci-darro u safrayeen.
Wasiirka Warfaafinta, Dalxiiska iyo Dhaqanka ee Xukuumadda Federalka Somalia, Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye†waxa uu tilmaamay inuu isagu fahamsan yahay inay doonida la socdeen ku-dhawaad 500 oo qof oo 300 ka mid Somali ahaayeen, kuwaasi oo badankooda geeriyooday.
Dhinaca kale, Ilo dhinaca Diplomaasiyadda Masar ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA inaysan xilligan wax Warbixin ah ka haynin doonida ku degtay Badda Mediterraneanka, oo badankooda Somali ahaa.
“Waxaan arrintan baaritaankeeda la kaashan doonaan qeybaha ay khuseyso†ayaa laga soo xigtay Ilo-wareedka Diplomaasiyiinta Masar oo aan magacooda la shaacinin.
Sidoo kale, Hay’adda Midowga Europe ugu qaabilsan Xuduudaha ee FRONTEX ayaa sheegtay in 9,600 Tahriibayaal badankooda u kala dhashay Somalia, Nigeria iyo Gambia bishii hore soo gaareen Xeebaha dalka Talyaaniga.
©Radio Dalsan