HomeWararMadaxweynaha oo u hambalyeeyay ciidanka maamulka Puntland

Madaxweynaha oo u hambalyeeyay ciidanka maamulka Puntland

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Muqdisho, 23 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa hambalyo u diray ciidanka dowlad goboleedka Puntland, guulihii ay ka soo hoyeen dagaalkii ay la galeen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada Al Shabaab oo doonayey inay degaannada Puntland isku fidiyaan. “Anigoo ku hadlaya magaca […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Muqdisho, 23 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa hambalyo u diray ciidanka dowlad goboleedka Puntland, guulihii ay ka soo hoyeen dagaalkii ay la galeen cadowga ummadda Soomaaliyeed ee argagixisada Al Shabaab oo doonayey inay degaannada Puntland isku fidiyaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka iyo kan Ciidammada Qalabka Sida, waxaan si diiran u soo dhoweynayaa uguna hambalyeynayaa geesiyaasha ciidanka Puntland guusha taariikhiga ah ee ay gaareen ee ay ku burburiyeen argagixisada Al Shabaab oo caadeystey falalka diinta iyo aadminimadaba ka baxsan’’.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dhirbaaxada kulul ee loo gaystey Al Shabaab ay dhiirigelin u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jirta argagixisada, daliilna ay u tahay in cadowga ugu dambeyntii laga sifeyn doono qeybahaa yare e ay weli ku harsan yihiin.

‘’Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo maamullada dalka ka jira waxay ka mideysan yihiin dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, waana waajib ina wada saaran inaan taageero buuxda u fidino degaan walba oo dalka ka mid ah oo khatar kala soo gudboonaada argagixisada. Al Shabaab waa naf la caari, markii culeyska gobollada kale ka haysta uu kordhey ayay isku dayeen inay goobo kale oo dagaal ka furan Puntland, taasina waxay noqotey riyo ay beeniyeen ciidanka maamulka Puntland’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntii sheegay in dowladda ay muhimadda koowaad siineyso dib u dhiska iyo isku dhafka Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u hantaan amniga guud ee qaranka.

- Advertisement -

——————–DHAMMAAD——————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts