HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ku Tegaya Dhuusamareeb

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ku Tegaya Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya furitaanka dhismaha cusub ee xarunta Baarlamaanka Galmudug, oo dhawaan la soo gabagabeeyay, isla markaana loo arko mid muhiim u ah xoojinta awoodda sharci-dejinta iyo maamulka Galmudug. Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Safarka Madaxweynaha ayaa salka ku haya furitaanka dhismaha cusub ee xarunta Baarlamaanka Galmudug, oo dhawaan la soo gabagabeeyay, isla markaana loo arko mid muhiim u ah xoojinta awoodda sharci-dejinta iyo maamulka Galmudug.

- Advertisement -

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona madaxda ugu sarreysa ee maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto aragtiyaha iyo talooyinka ku aaddan xaaladda guud ee gobolka.

Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Safarka madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu sheegay mid ku saabsan dardar-gelinta hawl-galka ka dhanka ah AS, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts