HomeWarar"Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo Wada-hadallo Xasaasi ah Ku Leh Maanta"

“Mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo Wada-hadallo Xasaasi ah Ku Leh Maanta”

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Maanta ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo kulan muhiim ah oo dhexmaraya Safiirrada Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiinta Golaha Samatabixinta, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah. Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka iyo ismari-waaga ka taagan xiriirka u dhexeeya madaxtooyada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maanta ayaa lagu wadaa inuu qabsoomo kulan muhiim ah oo dhexmaraya Safiirrada Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiinta Golaha Samatabixinta, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sida ay xaqiijinayaan ilo xog-ogaal ah.

Kulankan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda cakiran ee siyaasadda dalka iyo ismari-waaga ka taagan xiriirka u dhexeeya madaxtooyada Soomaaliya iyo musharraxiinta mucaaradka ah ee dalbanaya isbeddel siyaasadeed.

- Advertisement -

Mucaaradka ayaa la filayaa inay Beesha Caalamka u gudbiyaan cabasho ah in Madaxtooyada Soomaaliya aysan weli diyaar u ahayn xal siyaasadeed oo lagu wajaho arrimaha muranka dhaliyay, gaar ahaan Dastuurka iyo habraaca doorashooyinka.

Golaha Samatabixinta mucaaradka ayaa ku adkeysanaya in madaxtooyadu aysan keligeed go’aan ka gaari karin arrimaha doorashooyinka, iyagoo ku baaqaya heshiis siyaasadeed oo ballaaran si loo xaqiijiyo in dalka ay ka dhacaan doorashooyin lagu wada qanacsan yahay.

Khubarada arrimaha siyaasadda ayaa sheegaya in kulanka maanta uu noqon karo mid horseeda laba waji:

- Advertisement -
  • Isku soo dhowaansho siyaasadeed oo lagu dardar-geliyo hannaanka doorashooyinka.

  • Ama khilaafka sii fida, taas oo dhaawici karta kalsoonida Beesha Caalamka ee nidaamka siyaasadeed ee hadda jira.

Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in safiirrada Beesha Caalamka kulamo gaar ah la yeeshaan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kadib marka ay dhammaystiraan wada-hadalka ay la yeelanayaan mucaaradka.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya iyadoo weli socda wadahadallada u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, kuwaas oo loogu talagalay in lagu soo afjaro khilaafka siyaasadeed ee taagan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts