HomeWararLaftagareen oo la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga doorashada Koonfur Galbeed

Laftagareen oo la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga doorashada Koonfur Galbeed

Date:

Related stories

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Laftagareen oo la filayo inuu ku dhawaaqo guddiga doorashada Koonfur Galbeed

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed, ayaa la filayaa in saacadaha soo aadan uu si rasmi ah ugu dhawaaqo guddiga doorashada ee maamulkaas.

Laftagareen ayaa maalmahan dambe waday abaabulkii ugu dambeeyay ee la xiriira dhismaha guddiga doorashada, isagoo kulamo kala duwan la qaatay qeybaha bulshada Koonfur Galbeed, oo ay ku jiraan odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah.

- Advertisement -

Wararka ayaa sheegaya in magacaabista guddigan ay kordhin karto xiisadda siyaasadeed ee ka dhex taagan gudaha maamulka iyo heer federaal.

Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Koonfur Galbeed, kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira doorashooyinka iyo habraacyadooda.

Waxaa la filayaa in ku dhawaaqista guddiga doorashada ay sii xoojiso doodaha siyaasadeed ee taagan, isla markaana ay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee maamulka Koonfur Galbeed iyo guud ahaan dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts