HomeWararXildhibaan Odowaa oo iska casilay JSP, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh

Xildhibaan Odowaa oo iska casilay JSP, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Xildhibaan Odowaa oo iska casilay JSP, eedeymo culusna u jeediyay Xasan Sheekh

- Advertisement -
- Advertisement -

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Xoghayaha Guud iyo xubinnimadii uu ka hayay Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray maanta.

Odowaa ayaa sheegay in go’aankiisa uu salka ku hayo khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayay oo kala dhaxeeyay guddoomiyaha xisbiga, ahna Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

- Advertisement -

Wuxuu xildhibaanku tilmaamay dhowr arrimood oo uu ku saleeyay iscasilaaddiisa, oo ay ka mid yihiin eedeymo ah in madaxweynuhu talada dalka iyo tan xisbiga ku koobay gacantiisa, isla markaana uusan tixgelin siin aragtiyada ka duwan tiisa.

Sidoo kale, Odowaa ayaa si adag uga horyimid habka wax-ka-beddelka dastuurka, isagoo ku tilmaamay mid sii kala fogeynaya bulshada isla markaana dhaawacaya mabaadi’da federaalka.

Arrimaha kale ee uu carrabka ku adkeeyay waxaa ka mid ah nidaamka doorashooyinka, halkaas oo uu sheegay in madaxweynuhu doonayo hannaan uu natiijadiisa xakameyn karo, halka isaga uu aaminsan yahay in doorashooyinka lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

- Advertisement -

Dhanka kale, wuxuu dhaliilay waxa uu ugu yeeray burburinta dowlad-goboleedyada, isagoo ku tilmaamay inay yihiin tiir muhiim u ah nidaamka federaalka iyo midnimada dalka.

Xildhibaan Odowaa ayaa sidoo kale cambaareeyay xannibaadaha lagu hayo xildhibaannada iyo muwaadiniinta, gaar ahaan in xildhibaan leh xasaanad laga hor istaago safar, taas oo uu ku tilmaamay xadgudub sharci iyo mid ka dhan ah madax-bannaanida baarlamaanka.

Ugu dambeyn, Odowaa ayaa sheegay inuu qaadi doono jiho siyaasadeed cusub, isla markaana uu la shaqeyn doono cid kasta oo ay ka mideysan yihiin ilaalinta midnimada iyo mabaadi’da Soomaalinimada.

Is-casilaaddan ayaa kusoo aadeysa xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, waxaana la filayaa inay saameyn ku yeelato jihada siyaasadeed ee xisbiga JSP iyo guud ahaan siyaasadda Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts