HomeWararMidowga Yurub oo war ka soo saartay Xiisadda Koofur Galbeed.

Midowga Yurub oo war ka soo saartay Xiisadda Koofur Galbeed.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Midowga Yurub oo war ka soo saartay Xiisadda Koofur Galbeed.

- Advertisement -
- Advertisement -

Midowga Yurub ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka sii dareysa ee ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli ay jirto xiisad u dhaxeysa hoggaanka maamulkaas iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa sheegtay in xaaladda si dhow loola socdo, isla markaana ay muhiim tahay in la helo wadahadal degdeg ah oo xal u keena khilaafka jira.

- Advertisement -

Qoraal kasoo baxay xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu adkeeyay in xaaladdu u baahan tahay is-afgarad iyo xal nabadeed, halkii laga sii hurin lahaa khilaafka.

“Midowga Yurub wuxuu si walaac leh ula socdaa xaaladda sii xumaaneysa ee Koonfur Galbeed. Wadahadal wax ku ool ah ayaa aad muhiim u ah xilligan; dhammaan dadaallada dhexdhexaadinta waa in la soo dhoweeyaa lana siiyo fursad,” ayay tiri danjiradda.

Xiisadda Koonfur Galbeed ayaa salka ku haysa khilaaf siyaasadeed oo la xiriira arrimaha doorashooyinka iyo maamulka, taas oo keentay kala aragti duwanaansho u dhexeeya dhinacyada siyaasadda, isla markaana saameyn ku yeelatay amniga iyo maamulka deegaanada qaar.

- Advertisement -

Midowga Yurub ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda, ayna mudnaanta siiyaan wadahadal iyo xal wadajir ah.

Dhanka kale, beesha caalamka ayaa sii kordhinaysa walaaca ay ka qabto xasilloonida Koonfur Galbeed, iyadoo laga cabsi qabo in khilaafkan uu saameyn ballaaran ku yeesho guud ahaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts