HomeWarar"Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo Shaaciyay Liiska 83 Xildhibaan Cusub"

“Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo Shaaciyay Liiska 83 Xildhibaan Cusub”

Date:

Related stories

US Releases 600,000 Mosquitoes to Fight Mosquitoes

US Company Releases 600,000 Male Mosquitoes in New Effort to Control Disease-Carrying Species

Mareykanka Oo 600,000 Kaneecooyin Dagaal La Galaya.

Mareykanka ayaa bilaabay hab cusub oo lagula dagaallamayo kaneecada cudurrada gudbisa, iyadoo ilaa 600,000 oo kaneeco lab ah oo Wolbachia sidda lagu sii deynayo Washington DC iyo nawaaxigeeda.

Tababarka Gorgor oo lagu soo xiray Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dhulka S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo Turkiga kula soo xiray Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor,

Elite Gorgor Forces Complete Training in Türkiye

The Ground Forces Commander Brigadier General Sahal Abdullahi Omar...

Cabinet Officials Brace to Relinquish Kenyan Passports After Presidential Ultimatum

A mounting cohort of senior Somali government ministers is...

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo ka kooban 83 xildhibaan. Xildhibaanada cusub ayaa laga soo doortay saddexda gobol ee maamulkaasi: 37 xubnood gobolka Sanaag 30 xubnood gobolka Sool 16 xubnood gobolka Togdheer Inkasta oo ay jiraan cabashooyin iyo tabashooyin beeleed, haddana waxaa muuqata […]

- Advertisement -

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo ka kooban 83 xildhibaan.

Xildhibaanada cusub ayaa laga soo doortay saddexda gobol ee maamulkaasi:

- Advertisement -
  • 37 xubnood gobolka Sanaag

  • 30 xubnood gobolka Sool

  • 16 xubnood gobolka Togdheer

    - Advertisement -

Inkasta oo ay jiraan cabashooyin iyo tabashooyin beeleed, haddana waxaa muuqata in marxaladda xigta – doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha – la guda geli doono maalmaha soo socda.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in golaha cusub ay ku jiraan afar haween ah, saddex ka mid ahna ay ka soo jeedaan gobolka Sanaag.

Xildhibaanada ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhaariyo magaalada Laascaanood, iyadoo isla markiiba loo gudbi doono tartanka guddoonka baarlamaanka. Musharraxiin dhowr ah ayaa durba isku diyaarinaya, waxaana la filayaa in ololaha siyaasadeed uu si rasmi ah u bilaabmo saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Geeddi-socodka dhismaha maamulka Waqooyi Bari wuxuu soo maray marxalado adag oo ay hareeyeen muranno iyo is jiid–jiid u dhexeeyay beelaha deegaanka, balse ugu dambeyn xal ayaa laga gaaray khilaafaadkii jiray.

Latest stories