HomeWarar"Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo Shaaciyay Liiska 83 Xildhibaan Cusub"

“Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya oo Shaaciyay Liiska 83 Xildhibaan Cusub”

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo ka kooban 83 xildhibaan. Xildhibaanada cusub ayaa laga soo doortay saddexda gobol ee maamulkaasi: 37 xubnood gobolka Sanaag 30 xubnood gobolka Sool 16 xubnood gobolka Togdheer Inkasta oo ay jiraan cabashooyin iyo tabashooyin beeleed, haddana waxaa muuqata […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa si rasmi ah loo shaaciyay liiska xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo ka kooban 83 xildhibaan.

Xildhibaanada cusub ayaa laga soo doortay saddexda gobol ee maamulkaasi:

- Advertisement -
  • 37 xubnood gobolka Sanaag

  • 30 xubnood gobolka Sool

  • 16 xubnood gobolka Togdheer

    - Advertisement -

Inkasta oo ay jiraan cabashooyin iyo tabashooyin beeleed, haddana waxaa muuqata in marxaladda xigta – doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynaha – la guda geli doono maalmaha soo socda.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in golaha cusub ay ku jiraan afar haween ah, saddex ka mid ahna ay ka soo jeedaan gobolka Sanaag.

Xildhibaanada ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhaariyo magaalada Laascaanood, iyadoo isla markiiba loo gudbi doono tartanka guddoonka baarlamaanka. Musharraxiin dhowr ah ayaa durba isku diyaarinaya, waxaana la filayaa in ololaha siyaasadeed uu si rasmi ah u bilaabmo saacadaha iyo maalmaha soo socda.

Geeddi-socodka dhismaha maamulka Waqooyi Bari wuxuu soo maray marxalado adag oo ay hareeyeen muranno iyo is jiid–jiid u dhexeeyay beelaha deegaanka, balse ugu dambeyn xal ayaa laga gaaray khilaafaadkii jiray.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts