HomeWararGolaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Dal-ku-gal La’aan ah oo Soomaaliya iyo Indonesia...

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Dal-ku-gal La’aan ah oo Soomaaliya iyo Indonesia Wada Gaareen

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyagoo ansixiyay heshiis muhiim ah oo socdaalka la xiriira oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Indonesia. Heshiiskan ayaa dhigaya in shuruudaha dal-ku-galka laga dhaafo dadka sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqada, si loo fududeeyo socdaalka rasmiga ah iyo wada-shaqeynta labada dal. Kulanka waxaa guddoomiyay Ra’iisul […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, iyagoo ansixiyay heshiis muhiim ah oo socdaalka la xiriira oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Indonesia.

Heshiiskan ayaa dhigaya in shuruudaha dal-ku-galka laga dhaafo dadka sita baasaboorrada diblomaasiga iyo kuwa shaqada, si loo fududeeyo socdaalka rasmiga ah iyo wada-shaqeynta labada dal.

- Advertisement -

Kulanka waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac, waxaana lagu dhageystay warbixino dhowr ah oo la xiriira arrimaha amniga, gaadiidka iyo qorsheyaasha dowladeed.

Guddiga xal u helidda saxmadda waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan:

  • Caqabadaha sababay saxmadda

    - Advertisement -
  • Saameynta ay ku leedahay isku socodka gaadiidka

  • Iyo talooyin lagu yareyn karo culayska waddooyinka

Goluhu wuxuu sidoo kale ka dhagaystay:

  • Wasaaradda Amniga Gudaha

  • Wasaaradda Gaashaandhigga

Labadan wasaaradood ayaa soo bandhigay warbixinno la xiriira:

  • Amniga guud ee dalka

  • Dib-u-xoreynta deegaanada weli gacanta ku jira argagixisada

  • Iyo xasilinta deegaannada la xoreeyay

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts