Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta shir guddoomiyey shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada, kaas oo ka dhacay aqalka madaxtooyada ee magaalada Baydhabo.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xiriira:
-
Amniga deegaannada Koonfur Galbeed
-
Horumarinta adeegyada bulshada
-
Kor u qaadista dhaqaalaha
- Advertisement - -
Iyo siyaasadda guud ee dalka
Madaxweyne Laftagareen ayaa ku dhiirrigeliyey Wasiirrada in ay dardar geliyaan shaqooyinka dowladda, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xukuumaddu si isku duuban uga shaqeyso baahiyaha shacabka.
Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah uga hadlay:
-
Wada-shaqeynta hay’adaha dowladda
-
Dar-dargelinta barnaamijyada horumarineed
-
Iyo sida ay muhiim u tahay in hay’ad kastaa kaalin mug leh ka qaadato kor u qaadidda nolosha bulshada
Shirka ayaa kusoo dhamaaday is-afgarad ku saabsan dardargelinta howlaha horyaalla xukuumadda Koonfur Galbeed.
