HomeWararDhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Rasaas Lagu Furay Askar Puntland Ah

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Rasaas Lagu Furay Askar Puntland Ah

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay halka labo kale ay dhaawacmeen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada ilaalinta nabadgelyada waddooyinka Puntland uu rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee degmada Garoowe. Toogashadan naxdinta leh ayaa ka dhacday aga-gaarka xarunta taraafikada gobolka Nugaal, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Wararka hordhaca ah […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhintay halka labo kale ay dhaawacmeen, kadib markii askari ka tirsan ciidamada ilaalinta nabadgelyada waddooyinka Puntland uu rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda hoose ee degmada Garoowe.

Toogashadan naxdinta leh ayaa ka dhacday aga-gaarka xarunta taraafikada gobolka Nugaal, sida ay sheegeen goobjoogayaal. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in falka uu ka dhashay is-fahamwaa ama muran u dhexeeyay labada dhinac.

- Advertisement -

Askariga falka geystay ayaa la sheegay inuu goobta ka baxsaday isagoo sita qoriga askarigii uu dilay, iyadoo weli aan la garan sababta rasmiga ah ee ka dambeysay weerarka.

Labada askari ee dhaawacmay ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada Garoowe, halkaas oo lagu daaweynayo. Ma jiro war rasmi ah oo laga helay xaaladooda caafimaad.

Ciidamada ammaanka gobolka Nugaal ayaa bilaabay baaritaanno degdeg ah iyo baadi-goobka askariga baxsadka ah. Dhacdadan ayaa si weyn u cabsi gelisay shacabka magaalada Garoowe, iyagoo dalbanaya in si degdeg ah loo xakameeyo xaaladda.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda, maamulka gobolka Nugaal iyo laamaha ammaanka Puntland kama aysan hadlin si rasmi ah dhacdada, taas oo sii kordhisay walaaca dadweynaha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts