Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta Qaranka, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u muujiyay walaac iyo cambaareyn ku aaddan duullaanka ay Dowladda Federaalka Soomaaliya mar kale ku qaaday Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo.
“Xisbiga Himilo Qaran wuxuu si cad u muujinayaa inuu aad uga xun yahay islamarkaana uu si kulul u cambaareynayo weerarrada isdaba-joogga ah ee ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku hayso Maamulka Jubbaland, gaar ahaan falalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xisbiga.
Xisbiga ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka in ay joojiso ficillada lidka ku ah dadaallada nabadeed, ayna mudnaanta siiso wadahadal iyo xal waara oo ku dhisan is-afgarad iyo wada-tashi siyaasadeed.
