HomeWararAUSSOM oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Sabiid iyo Caanoole

AUSSOM oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Sabiid iyo Caanoole

Date:

Related stories

Cabinet reshuffles senior diplomats, appoints new trade chief

Somalia's Council of Ministers, chaired by the federal government,...

‘We lost it ourselves’: Abiy admits internal flaws cost Ethiopia Red Sea

Prime Minister Abiy Ahmed has renewed his government’s argument...

Maersk announces new Turkey-Somalia container surcharge

Maersk, one of the world's largest container shipping companies,...

Somalia, China sign duty-free fishery trade deal

Somalia has secured duty-free access for its fishery products...

Somali National University launches national AI centre in Mogadishu

Somali National University launches Somalia's first Artificial Intelligence Centre (SNAIC) in Mogadishu to advance AI research, education and innovation for national development.

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa maanta shaaciyay in ciidamada iskaashanaya ee AUSSOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF) ay si geesinimo leh u fashiliyeen weerar ay saaka waaberigii  Al Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Saldhigyadan ayaa ka mid ahaa goobihii muhiimka ahaa ee […]

- Advertisement -

Taliska howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa maanta shaaciyay in ciidamada iskaashanaya ee AUSSOM iyo Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF) ay si geesinimo leh u fashiliyeen weerar ay saaka waaberigii  Al Shabaab ku qaadeen saldhigyo ciidan oo ku yaalla deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saldhigyadan ayaa ka mid ahaa goobihii muhiimka ahaa ee laga xoreeyay Al Shabaab bishii Juun ee sanadkan. Ciidamada AUSSOM iyo SNAF ayaa si degdeg ah uga falceliyay weerarka, iyagoo ku qasbay kooxda weerarka soo qaaday inay dib u gurtaan.

- Advertisement -

Intii uu dagaalku socday, waxaa la dilay tiro dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab, halka kuwo kalena ay dhaawacyo culus soo gaareen. Sidoo kale, waxaa gacanta lagu dhigay hub iyo saanad militari oo ay wateen weerarayaasha.

AUSSOM ayaa xaqiijisay in saldhigyadii la beegsaday ay weli si buuxda ugu sugan yihiin ciidamada huwanta, islamarkaana ay socdaan hawlgallo baaxad leh oo lagu baacsanayo kooxdii weerarka fulisay iyo shabakadaha la shaqeeya.

“AUSSOM waxay markale xaqiijinaysaa in shacabka deegaanka Sabiid-Anole iyo nawaaxigeeda la siin doono amni iyo ilaalin joogto ah. Howlgalladan waa qeyb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu wiiqayo kooxda Al Shabaab, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo dowladnimo xooggan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Latest stories