HomeWararLaascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada kale ee hoostaga SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka qeyb galaya shirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo si rasmi ah u furmaya 10-ka Luulyo 2025. Ergooyinkan oo isugu jira siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed, iyo wakiillo ka socda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada kale ee hoostaga SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka qeyb galaya shirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo si rasmi ah u furmaya 10-ka Luulyo 2025.

Ergooyinkan oo isugu jira siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed, iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah, ayaa ka kala yimid deegaanada SSC, iyaga oo metelaya doorkooda muhiimka ah ee ka qeybgalka dhismaha maamulka cusub.

- Advertisement -

Sidoo kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay Laascaanood soo gaaraan ergooyin dheeraad ah, oo ka kooban siyaasiyiin heer qaran ah iyo xubno kale oo metelaya bulshada SSC ee ku sugan guud ahaan dalka.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee magaalada Laascaanood ayaa si weyn looga dareemayaa, iyadoo xarumaha martida, hoolalka shirarka iyo waddooyinka waaweyn ay buux dhaafiyeen martida ka kala timid gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn.

Amniga magaalada ayaa si gaar ah loo adkeeyay, waxaana howlgallo sugidda amniga ah ka wada ciidamada deegaanka ee hoos taga maamulka SSC-Khaatumo.

- Advertisement -

Shirkan ayaa la filayaa in uu noqdo mid taariikhi ah, loogana arrinsado:

  • Dhameystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo,

  • Qabyo-tirka qorshayaasha maamulka cusub,

  • Go’aanno muhiim ah oo lagu wajahayo mustaqbalka deegaannada SSC.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts