HomeWararCiidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo...

Ciidamada Dowladda & Dadka Deegaanka oo Bilaabay Guluf Dagaal Dib Loogu Qabsanayo Degmada Moqokori

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo malleeshiyaadka deegaanka ay wadaan dhaqdhaqaaqyo milateri iyo abaabul xooggan, si ay dib ugu qabsadaan degmada Moqokori oo shalay ay la wareegeen Al-Shabaab kadib dagaal culus.

Dadka deegaanka oo si dhow ula shaqeynaya ciidamada Xoogga Dalka ayaa bilaabay abaabul ciidan iyo gurmad ballaaran, si mar kale gacanta loogu dhigo degmadaas muhiimka ah. Dhaqdhaqaaqyo milateri ayaa saaka laga dareemayaa aagga Moqokori, iyadoo la qorsheynayo howlgallo dib loogu riixayo kooxda alshabaab.

- Advertisement -

Shalay ayaa degmada Moqokori laga soo sheegay dagaalkii ugu cuslaa ee dhowaan ka dhaca halkaasi, kadib markii Al-Shabaab ay weerar qaraxyo ku bilaabay ay ku qaadeen degmada, taasoo ugu dambeyntii sababtay inay si ku-meelgaar ah ula wareegaan maamulka magaalada.

Moqokori waxay ahayd muddo labo sano iyo bar ah gacanta dowladda iyo dadka deegaanka, ka dib markii Al-Shabaab laga saaray degmadaas, iyadoo loo arkayay guul weyn oo dhanka amniga ah.

Degmadan ayaa leh muuqaal istaraatiiji ah, maadaama ay isku xirto gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe, iyo Galgaduud, taasoo ka dhigeysa in ay tahay halbowlaha isku socodka ee gobollada dhexe.

- Advertisement -

Ilaa hadda, dowladda federaalka kama aysan bixin war rasmi ah oo ku saabsan galitaanka Al-Shabaab ee degmada Moqokori, hase yeeshee waxaa jira dadaallo xooggan oo socda si xaaladda dib loogu celiyo gacanta dowladda.

Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii u dambeeyay martigelinayay guluf militari oo ay hormuud u yihiin ciidamada deegaanka iyo kuwa Xoogga Dalka, si loo sugo amniga una xoreeyo deegaannada ay weli joogaan kooxda Alshabaab.

Latest stories