HomeWararLaascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Laascaanood oo Martigelinaysa Ergooyinkii Ugu Horreeyay ee Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada kale ee hoostaga SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka qeyb galaya shirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo si rasmi ah u furmaya 10-ka Luulyo 2025. Ergooyinkan oo isugu jira siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed, iyo wakiillo ka socda […]

- Advertisement -

Magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, ayaa maanta martigelin doonta ergooyinkii ugu horreeyay ee ka kala socda gobolka Sanaag iyo deegaanada kale ee hoostaga SSC-Khaatumo, kuwaas oo ka qeyb galaya shirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo si rasmi ah u furmaya 10-ka Luulyo 2025.

Ergooyinkan oo isugu jira siyaasiyiin, waxgarad, odayaal dhaqameed, iyo wakiillo ka socda bulshada rayidka ah, ayaa ka kala yimid deegaanada SSC, iyaga oo metelaya doorkooda muhiimka ah ee ka qeybgalka dhismaha maamulka cusub.

- Advertisement -

Sidoo kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay Laascaanood soo gaaraan ergooyin dheeraad ah, oo ka kooban siyaasiyiin heer qaran ah iyo xubno kale oo metelaya bulshada SSC ee ku sugan guud ahaan dalka.

Dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee magaalada Laascaanood ayaa si weyn looga dareemayaa, iyadoo xarumaha martida, hoolalka shirarka iyo waddooyinka waaweyn ay buux dhaafiyeen martida ka kala timid gobollada Sool, Sanaag, iyo Cayn.

Amniga magaalada ayaa si gaar ah loo adkeeyay, waxaana howlgallo sugidda amniga ah ka wada ciidamada deegaanka ee hoos taga maamulka SSC-Khaatumo.

- Advertisement -

Shirkan ayaa la filayaa in uu noqdo mid taariikhi ah, loogana arrinsado:

  • Dhameystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo,

  • Qabyo-tirka qorshayaasha maamulka cusub,

  • Go’aanno muhiim ah oo lagu wajahayo mustaqbalka deegaannada SSC.

Latest stories