HomeWararSoomaaliya oo Ka Qaybgaleysa Shir Caalami ah oo Teknolojiyad Ku Saabsan oo...

Soomaaliya oo Ka Qaybgaleysa Shir Caalami ah oo Teknolojiyad Ku Saabsan oo Ka Socda Switzerland

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Heerka Sare ee WSIS+20, oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Shirkan caalamiga ah oo si wadajir ah ay u martigelinayaan Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Dowladda Switzerland, ayaa lagu falanqeeyay horumarka laga gaaray isbeddelka […]

- Advertisement -

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa ka qeybgalay Shirweynaha Heerka Sare ee WSIS+20, oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan caalamiga ah oo si wadajir ah ay u martigelinayaan Hay’adda Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) iyo Dowladda Switzerland, ayaa lagu falanqeeyay horumarka laga gaaray isbeddelka dhijitaalka ah tan iyo markii la bilaabay hindisaha WSIS, iyadoo sidoo kale lagu dejinayo jihada cusub ee horumarinta tiknolojiyadda iyo dijitaalka.

- Advertisement -

Intii uu shirku socday, Wasiir Maxamed Aadan waxa uu kulammo miro-dhal ah la yeeshay:

  • Dr. Cosmas Zavazava, Agaasimaha Guud ee Waaxda Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU (BDT),

  • Wasiirrada Isgaarsiinta ee Malaysia iyo Jabuuti.

    - Advertisement -

Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray:

  • Kobcinta xirfadaha dhijitaalka ah ee dhallinyarada,

  • Amaan-gelinta internetka,

  • Iyo horumarinta maamulka dowladnimada dhijitaalka ah.

Wasiir Maxamed Aadan ayaa caddeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso wadashaqeynta ay la leedahay ITU iyo daneeyeyaasha kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo isbeddel dijitaal ah oo waara, loo dhan yahay, una adeegaya horumarka Soomaaliya.

Wafdiga uu hoggaaminayay Wasiirka waxaa ka mid ahaa:

  • Maareeyaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ),

  • Iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Switzerland iyo Austria, Amb. Khadra Axmed Ducaale.

Latest stories