Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa waqti la qaatay shacab Soomaaliyeed oo ku damaashaadayey xeebta liido, taas oo ka tarjumaysa nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorka kaga aaddan nabadda iyo isdhexgalka.
Ra’iisul Wasaaraha booqashada waxa ku wehliyay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyadda Galmudug,Jubaland ,Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan XFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir