HomeWararLafta-gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo kadib baaqashadii Shirka Golaha

Lafta-gareen oo dib ugu laabtay Baydhabo kadib baaqashadii Shirka Golaha

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa Dalka Dibaddiisa iyo Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay. Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Marwo Shamsa Maxamed Yarow, Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo,  Hay,addaha Amniga iyo Qeybaha kala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa Dalka Dibaddiisa iyo Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Gudoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Marwo Shamsa Maxamed Yarow, Wasiiro, Xildhibaano, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo,  Hay,addaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bushada ayaa Garoonka diyaaradaha Dr Shaati-Gaduud kuso dhoweyey wafdiga Madaxweyne Lafta-gareen.

- Advertisement -

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada caasimadda ee Muqdisho oo uu u yimid ka qeyb galka shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu Madaxda maamulada ugu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirkaas oo la filayay inuu qabsoomo 20-kii bishaan April ee 2024 ayaa sida uu shaaciyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya u baaqday arrimo farsamo awgood, taasina ayaa keentay in Madaxweyne Lafta-gareen dib ugu laabto Baydhabo.

Sidoo kale waxaa weli magaalada Muqdisho ku sugna Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, halka uusan isna horey u imaan Madaxweyne Axmed Madoobe, lamana oga waqtiga rasmiga ee uu qabsoomayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee baaqday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts