Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u soo dirtay Markab dagaal oo la filayo maanta dushiisa lagu saxiixo heshiis Taariikhi ah oo dhex-mari doona dowlada Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo qayb ka ah heshiiskii Madaxweyne Xasan Sheekh horay ula soo saxiixday Dowladda Turkiga.
Sida ay baahisay warbaahinta Dawladda Federaalka, waxa lagu wadaa in Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho uu ku xirto Markab dagaal oo uu leeyahay dalka Turkiga, waxaana socda qaban qaabada iyo qorshihii ugu dambeeyay ee ku aaddan soo xirashada Markabka ee dekadda Muqdisho.
Wadooyinka soo gala Dekadda magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran, waxaana lagu wadaa in markabka dushiisa ay tagaan madax ka tirsan Dawladda Federaalka.
Masuuliyiinta lagu wado inay tagaan Markabka dushiisa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo Turkiga la saxiixan doona heshiis Taariikhi ah oo ay wadagalayaan Soomaaliya iyo Turkiga.
Heshiis dhawaan ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo dhigayay in biyaha Soomaaliya ay Turkidu ilaaliyaan, waxaana Turkiga difaacaya xeebaha Soomaalida.
Sidoo kale Heshiis kan ayaa yimid kaddib markii Dawladda Federaalku ka carootay heshiis kii is af garadka ahaa ee kowdii janaayo Addis Ababa ku dhexmaray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Aby Axmed iyo Muuse Biixi Cabdi, kaas oo dhigayay in Itoobiya laga siiyo saldhig iyo dekad badda.