HomeWararGuddoomiye Aadan Madoobe oo Xafiiskiisa Kula Shiray Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka EAC

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Xafiiskiisa Kula Shiray Xubno Ka Tirsan Baarlamaanka EAC

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ammaanay dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan 8-da wadan kuwaas oo ururkan door weyn ku lahaa  ansixinta iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarunta guddoonka iyo guddiyadda ee Villa Hargeysa kulan kula qaatay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ammaanay dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan 8-da wadan kuwaas oo ururkan door weyn ku lahaa  ansixinta iyo ku biiritaanka xubinnimada Soomaaliya. Inta uu kulanka socday waxay soo bandhigeen sida uu u shaqeeyo, waxaana ay ka jawaabeen dhammaan su’aalihii ay weydiiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka. Dhanka kale waxay sharraxaad ka bixiyeen sida loo doorto iyo masuuliyada Xildhibaannada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika.

- Advertisement -

Xubnaha oo uu hoggaaminaayay Mudane  Namara Dennis, ayaa waxay adkeeyeen ahmiyada Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bulshada Bariga Afrika iyo fursadaha waa-weyn ee laga heli karo. Dhanka kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa qado sharaf u sameeyay Xildhibaanada, iyagana waxeey ka mahadceliyay sida wanagsan ee Baarlamaanka Soomaaliya ay u soo dhoweeyeen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la guddoonsiiyay heshiiskii lagu aasaasay  Bulshada Bariga Afrika iyo Xeerarka Habraaca Golaha Sharci Dejinta ee Suuqa Bariga Afrika, waxaana uu ka mahadceliyay doorka ay ka qaateen dhammaan dowladaha xubnaha ka ah  ururkaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts