HomeWararRW Xamse oo kulan la yeeshay xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC

RW Xamse oo kulan la yeeshay xubno ka tirsan Baarlamaanka EAC

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dalka soo gaaray maanta. Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo dalka soo gaaray maanta.

Ra’iisul Wasaaraha oo uga mahadceliyey dowladaha Bariga Afrika ee ku midaysan ururkan doorkii ay ka qaateen ansixinta xubinnimada Soomaaliya, ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in degdeg loo dhammaystiro arrimaha farsamo ee xaqiijiniya la falgalka Soomaaliya ee Suuqa Bariga Afrika .

- Advertisement -

“Waxaan ku boorrinayaa xubnaha Urur Goboleedka EAC in ay sii wadaan taageerada dadaallada la isku waafajinayo siyaasadaha iyo xeerarka, si loo abuuro jawi ganacsi oo ku habboon maalgashadeyaasha iyo ganacsatada. Waa in ay sii wadaan xoojinta iskaashiga ku aaddan amniga gobolka iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa soo bandhigay waxtarka Soomaaliya ay u leedahay ka mid noqoshada Urur Goboleedka Bariga Afrika iyo fursadaha dalalka ku mideysan suuqan ay ka dhaxlayaan xubinnimada Soomaaliya, maadaama aan nahay waddan hodon ah oo ay ceegaagaan khayraad dabiici ah, dadkiisuna ay ku tilmaaman yihiin firfircooni iyo hal-abuur.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts