Ciidanka Xoogga dalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgallo ka sameeyay qaybo ka mid ah Gobolka Gedo, waxaana si gaar ah ay howlgalladaasi ay kaga dhaceen Degaanada Ku Xeeran Degmada Baladxaawo.
Hawlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa hor kacayay Taliyaha Guutada 10-Aad Qeybta 43-Aad Ciidamada Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed G.Sare Cisman Sheikh Cabdi Qorax
Taliyaha Ururka 28-Aad Guutada 10-Aad Qaybta 43-Aad Ciidamada Dhulka Xooga Dalka Soomaaliyeed L/XLe Cabdullahi Khaliif Madoobe Ayaa howlgalka hogaaminayay, waxaana Laga Sameeyay Degaanada Cara-case, Wariiryaale, Ceelasha Qonaale Iyo Kuwo Kaloo Badan.
Saraakiisha Ciidanka Dowladda ee howgalkaas hormuudka u ah, ayaa intaasi ku daray in ay doonayaan in degaanadaasi si buuxda ay gacanta ugu dhigaan, kana saaraan AL-Shabaab.