Dowlad Goboleedka Puntland ayaa kasoo horjeesatay ansixintii Maanta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku sameeyeen cutubyo kamid ah Dastuurka KMG ah ee dalka oo maalmihii lasoo dhaafay doodiisa socotay.
Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Puntland Cabdi Faarax Juxa oo Qoraal soo saaray ayaa waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud uu jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991.
Wasiir Juxa ayaa qoraalkiisa intaas kusii daray in Madaxweyne Xasan uu laalay dastuurkii lagu doortay, laguna dhaariyey, wuxuuna ku eedeeyay Madaxweynaha Wasiirka in uu dhumiyey sharciyaddii (legitimacy) iyo kalsoonidii xafiiskiisu lahaa.
“Madaxweyne XSM wuxuu maanta jebiyey heshiiskii Somalia ku wada joogtay dagaalkii sokeeye kadib 1991. Wuxuu laalay dastuurkii lagu doortay, laguna dhaariyey. Wuxuu dhumiyey sharciyaddii (legitimacy) iyo kalsoonidii xafiiskiisu lahaa†ayuu yiri Juxa.
Madaxweynaha Puntland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta Mucaradka ay ku jiraan Farmaajo, Shariif iyo Xasan Cali Kheyre ayaa si weyn uga soo horjeeday wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurka KMG iyo ansixintiisa.