Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa tacsi u diray Dowlada iyo Shacabka deegaanka Soomaalida musiibadii xalay ka dhalatay dabka ka kacay suuqa weyn ee Magaalada Jigjiga.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Maamulka iyo Shacabka ree Jubaland ay garab taagan yihiin walaalahooda dhibku gaaray wakhtigan adag , sagoo xusay in si gaar ah ay Jubaland ay dhibka ula qaybsanayaan ganacsatada iyo muruqmaalka ku hanti beelay masiibadan.
“Waxaan Madaxweynaha, Xukuumada iyo Shacabka deegaanka Soomaalida la qaybsanaynaa murugada dabkii xalay baabi’yay suuqii waynaa ee ganacsiga ee magaaladda Jigjiga. Waxaan si gaar ah dhibka gaaray ula qaybsanaynaa ganacsatada iyo muruqmaalka ku hanti beelay musiibadan†ayuu yiri Madaxweynahu.
Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagan dadka hantidooda ku wayay mashaqadan isla markana loo baahan yahay in gurmad walaalnimo loo fidiyo.