Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa galabta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Guddoomiyenimo ee uu ka haayay Baarlamaanka, kadib shir jaraaΓ’β¬β’id uu ku qabtay Magaalada Laascaanood.
Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay inuu goΓ’β¬β’aan ku gaaray inuu xilka Guddoomiyihii Baarlamaanka Somaliland iska casilo, sidoo kalena wuxuu intaas kusii daray uu iska casilay xubinimada xisbiga mucaaradka ee Waddani oo ka tirsanaa.
Waxaa kaloo uu Cabdirisaaq Khaliif Axmed tilmaamay inuu Somaliland ka haayay laba gaari oo mid uu yaallo magaalada Hargeysa, halka kan kalena uu isaga haatan ku heysto Laascaanood, isagoo xusay in kan yaalla Hargeysa la geynayo Xarunta Golaha Wakiilada, halka kan kalena lagu wareyjinayo SSC.
Γ’β¬ΕSomaliland, waxaan u hayey laba gaari oo midi’i yaallo magaalada Hargeisa , midna Laascaanood , Kii Hargeisa yaalay waxaa la geynayaa beri xarunta golaha, kan Laascaanoodna waxaa lagu wareejinayaa Maamulka SSC-KhaatumoΓ’β¬Β ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif .
Si kastaba, Somaliland ayaa Cabdirisaaq Khaliif ku eedeeysay inuu jabiyey dastuurka Somaliland, waxayna muddooyinkii dambe ku howlneyd sidii ay xilka uu maanta iska casilay uga qaadi laheyd.