Mucaaradka dalka Kenya ayaa dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda dib u billaabi doona 2-da May, waxaa sidaas wakaaladda wararka AFP u sheegay afhayeenka hoggaamiyaha mucaaradka.
Dibad-baxyada ayaa la hakiyey ku dhowaad saddex toddobaad kadib markii dowladda ay yaboohday wada-hadallo.
“Waxaan dibad-baxyada dib u billaabi doonnaa 2-da May,†ayuu yiri Dennis Onyango oo ah afhayeenka Raila Odinga, oo abaabulay dibad-baxyadii bishii tagtay. “Waxay dibad-baxyada ka billaaban doonnaa Nairobi,†ayuu yiri Onyango.
Onyango ma uusan sheegin sababta ay mucaaradka ugu baaqeen in dibad-baxyada dib loo billaabo. Hase yeeshee mucaaradka ayaa horey uga digay inay sidan dhici doonto haddii aan horumar la taaban karo laga sameyn wada-hadallada.
Odinga ayaa hoggaaminayey dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda, isaga oo ku dooday in lagu shubtay doorashadii madaxweynaha ee bishii August iyo sidoo kale wax uu ugu yeeray in dowladda ay ku guul-darreysatay inay wax ka qabato qiimaha nolosha ee sare usii kacaya.