Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraaid ku qabtay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa ka warbixiyay safar shaqa oo maalmihii lasoo dhaafay uu ku joogay Boqortooyada Saudi Arabia, kadib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Amiirka Magaalada Riyaad.
Madaale ayaa inta uu ku sugnaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa uu kulan lasoo qaatay Amiirka Magaalada Riyaad Amiir Faisal bin Abdulaziz bin Ayyaf iyo xubno ka tirsan Madaxda Dowladda Hoose ee Magaalada Riyaad.
Amiirka Riyaad iyo Duqa Muqdisho ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada Caasimadood, Isdhaafsiga Aqoonta iyo waayo aragnimada, Maareynta iyo Horumarinta Dowladdaha Hoose iyo Isku xirka (Mataaneynta) Magaalooyinka Riyaad iyo Muqdisho.
Duqa Magaalada Muqdisho Madaale ayaa sidoo kale warbaahinta ka sheegay in sharciga lala tiigansan doono shaqsiyaadka ka macaasha sameenta Documentiyada been abuurka ah ee Dowladda Hoose Xamar.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay Ummada Soomaaliyeed in ay ka faa’iideystaan gudashada bisha barakeysan ee Ramadaan, islamarkaana ay ka fagoodaan waxkaste oo burin kara Soon-kooda.