HomeWararWararkii ugu danbeeyay Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Wararkii ugu danbeeyay Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Faah faahino ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan goob maqaayad ah oo ku taalla deegaanka Daarusalaam, waxaana weerarkaas geystay rag hubeysan, sida la sheegay. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka uu markii hore ku bilowday Bam gacmeed oo lagu tuuray maqaayada oo ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan goob maqaayad ah oo ku taalla deegaanka Daarusalaam, waxaana weerarkaas geystay rag hubeysan, sida la sheegay.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka uu markii hore ku bilowday Bam gacmeed oo lagu tuuray maqaayada oo ay fadhiyeen rag isugu jiray dhallinyaro iyo Odayaal, Bambada kadibna waxaa xigtay toogasho loo geystay dadkii halkaas ku sugnaa.

- Advertisement -

Ugu yaraan 5 ruux ayaa goobta ku dhintay, halka dad kalena oo kamid ahaa dad ku joogay maqaayada ay ku dhaawacmeen, isla markaana waxaa durbadii goobta ka baxsaday dableydii hubeysneyd ee weerarka bambaabo iyo toogashada geysatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Banaadir ayaa durbadii tagay goobta ay wax ka dhaceen, iyagoona sida caadada u aheyd sameeyay howlgalo lagu baarayay aaga uu weerarka khasaaraha dhaliyey ka dhacay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya, amniga magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay dilal qorsheysan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts