HomeWararDad ka careysan Dil ay geysteen Ciidanka Somaliland oo Banaanbax ka dhigay...

Dad ka careysan Dil ay geysteen Ciidanka Somaliland oo Banaanbax ka dhigay Ceel-Afweyn

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa Maanta waxaa ay gudaha magaalada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ku dileen qof shacab ah oo lagu magacaabi Abuukar Cumar Cali oo kamid ahaa dadka deegaanka, sida ay sheegayaan wararka la helayo. Dilka kadib, ayaa waxaa bartamaha magaalada Ceel-Afweyn ka bilowday banaanbax rabshado watay oo ay dhigeen dadweyne farabadan oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Somaliland ayaa Maanta waxaa ay gudaha magaalada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ku dileen qof shacab ah oo lagu magacaabi Abuukar Cumar Cali oo kamid ahaa dadka deegaanka, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Dilka kadib, ayaa waxaa bartamaha magaalada Ceel-Afweyn ka bilowday banaanbax rabshado watay oo ay dhigeen dadweyne farabadan oo isugu jiray haween, dhallinyaro iyo odayaal, kuwaasi oo ka careysnaa dilka ay Ciidanka Somaliland u geysteen Ninkaas.

- Advertisement -

Dadka dhigaayay banaanbaxa oo watay calanka Soomaaliya ayaa taayaro waaweyn ku gubayay waddooyinka Ceel-Afweyn, isla markaana waxaa ay laamiga ku xireen biro, iyagoona diiday inay maraan gaadiidka ka dhex shaqeeya halkaasi.

Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland oo tagay goobta uu ka socday banaanbaxa ayaa rasaas ku kala eryay dadkii dhigaayay dibadbaxa, kuwaasi oo ku qeylinayay erayo ka dhan ahaa Somaliland, iyagoona dadka sheegay inay ka xun yihiin dilka Abuukar Cumar.

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland deegaankan kasoo jeeda ayaa xukuumada ugu baaqay in ay wax ka qabato dilalka ciidamadu gaystaan oo marar kala duwan soo noqnoqday.

- Advertisement -

Degmada Ceel-afwayn ee Gobolka Sanaag ayay mudo dheer ka socdeen dagaalo soo noqnoqday oo beelaha deegaanka wada daga marar badan dhexmaray, waxaana banaanbaxaan oo kusoo aaday, xilli banaanbaxyo kale oo looga horjeeday ay dhawaan ka dhaceen magaalada Laascaanood oo laga saaray ciidankii maamulka Somaliland.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts