HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Baydhabo farriina diray

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Dagaalkii ka dhacay Baydhabo farriina diray

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii shalay magaalada Baydhabo ku dhexmaray ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ee mucaaradka ah. Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinayay masaajidka Madaxtooyada ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalkii Baydhabo ka dhacay, kaasi oo geystay khasaaro […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii shalay magaalada Baydhabo ku dhexmaray ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidanka la magac baxay badbaadada Koonfur Galbeed ee mucaaradka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeedinayay masaajidka Madaxtooyada ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay dagaalkii Baydhabo ka dhacay, kaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Askar iyo dad shacab ah.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in aan la joogin waqtigii arrimo siyaasadeed loogu dagaalamayo, isagoona ugu baaqay dadka isku haaya doorashada Koonfur Galbeed inay khilaafkooda ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka, si aan dhibaato kale u dhicin.

“Waxaan aad uga xumahay wixii Baydhaba ka dhacay, walaalaha reer Baydhaba waxaan leenahay colaad waa taqaanaan ee wixii idinka qaldama iska saxa, dhamaantiin waxaa tihiin ehel ee dagaalka iska dhaafa oo isku tura” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa sheegay inuu waqti badan ku bixiyey in wixii shalay dhacay aysan ka dhicin Baydhaba oo laga hortago, balse uu ka tacsiyeynayo gacan ka hadalkii dhacay ee khasaaraha nafeed dhaliyey.

- Advertisement -

Si kastaba Musharaxiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Madaxweyne Cabdicasiis xasan Maxamed Lafta-gareen ku eedeeyay inuu isaga mas’uul ka yahay dagaalkii ka dhacay Baydhabo, iyagoona sheegay in Lafta-gareen uu muddo xileedkiisa dhammaaday.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts