HomeWararFaah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Baraawe

Faah faahin kasoo baxeysa Dil ka dhacay Magaalada Baraawe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Faah faahino ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka oo galabdhicii galabta Askari kale ku dilay gudaha  degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ahna caasimadda ah maamulka Koonfur Galbeed. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in labada Askari dilka kahor ay murmeen kadibna, uu askariga daraawiishta ah rasaas ku furay askariga kale oo ka tirsanaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa Askari ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda Federaalka oo galabdhicii galabta Askari kale ku dilay gudaha  degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ahna caasimadda ah maamulka Koonfur Galbeed.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in labada Askari dilka kahor ay murmeen kadibna, uu askariga daraawiishta ah rasaas ku furay askariga kale oo ka tirsanaa ciidamada Militariga dowladda, sidaasna uu isla goobta ugu geeriyooday.

- Advertisement -

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Daraawiishta Koonfur galbeed ee Magaalada Baraawe Nuur Kar-kaar ayaa warbaahinta u sheegay in Askari ka tirsan daraawiishta degmada uu dilay Askari kale oo ka tirsanaa Militariga Soomaaliya ee ku sugan Magaalada.

Sidoo kale rasaasta lagu ceyrsanaayay Askariga falka geystay ayaa sii haleeshay qof shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu falka ka dhacay, wararka ayaa intaas kusii daraya in laamaha ammaanka Baraawe ay ku raad-joogaan Askariga dilka geystay.

Xaaladda degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ahna caasimadda ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa caawa daggan, mana jirto xiisad dilkaasi ka dhalatay oo ka taagan Baraawe.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts