HomeWararMahad Salaad oo Taliye cusub u magacaabay Ciidanka Nabadsugida Gobolka Gedo

Mahad Salaad oo Taliye cusub u magacaabay Ciidanka Nabadsugida Gobolka Gedo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa magacaabay Taliyaha Nabadsugida Gobolka Gedo, kadib geeridii Taliyihii hore ee NISA ee Gobolkaas Bakaal Kooke. Agaasime Mahad Salaad oo Qoraal soo saaray ayaa waxa uu Taliyaha cusub ee NISA Gobolka Gedo ugu magacaabay Jeneraal Jamaal Xasan Sarey, kaasi oo ka tirsan ciidamada kummaandooska […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Agaasimaha hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa magacaabay Taliyaha Nabadsugida Gobolka Gedo, kadib geeridii Taliyihii hore ee NISA ee Gobolkaas Bakaal Kooke.

Agaasime Mahad Salaad oo Qoraal soo saaray ayaa waxa uu Taliyaha cusub ee NISA Gobolka Gedo ugu magacaabay Jeneraal Jamaal Xasan Sarey, kaasi oo ka tirsan ciidamada kummaandooska Milateriga dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Taliye Jamaal Xasan ayaa sida uu qorshahu yahay waxaa uu si deg deg ah u bilaabi doonaa howsha loo idmaday ee ah inuu hoggaamiyo ciidamada Nabadsugida ee Gobolka Gedo, isla markaana uu dardar-geliyo howlaha nabadgalyada ee deegaannada Gobolka.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax lagu dilay Taliyihii NISA ee Gedo Cabdiraxmaan Cabdullaahi Aadan Bakaal Kooke, kaas oo qarax miino oo lagula eegtay inta u dhexeysa Luuq iyo Doolow, waxaana mas’uuliyada qaraxaas sheegatay Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts