HomeWararWararkii ugu danbeeyay Qarax sababay khasaaro oo Maanta ka dhacay duleedka Jowhar

Wararkii ugu danbeeyay Qarax sababay khasaaro oo Maanta ka dhacay duleedka Jowhar

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, ahna caasimadda Maamulka Hirshabeelle. Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Jowhar, sida uu sheegay mid kamid ah mas’uuliyiinta […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo duhurnimadii Maanta ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, ahna caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Inta la xaqiijiyay laba qof ayaa ku dhimatay, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay duleedka magaalada Jowhar, sida uu sheegay mid kamid ah mas’uuliyiinta ku sugan degaanka.

- Advertisement -

Labada qof ee dhintay ayaa kala ahaa Maareeye ku-xigeenkii garoonka diyaaradaha Jowhar Mahad Muxidiin Calasow iyo askari ka tirsan ciidanka amniga, sidaasi waxaa Idaacadda VOA u sheegay Maareeyaha Garoonka diyaaradaha ee Jowhar Mukhtara Abuukar Macalin.

Qaraxan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka Al-Shabaab. Qaraxan ayaa ahaa miino lagu aasay meel u dhexeysa garoonka diyaaradaha Maxamed Dheere Airport iyo magaalada, waxyna qabsatay gaari ay saarnaayeen Maareeye ku-xigeenkii garoonka iyo Askar la socotay.

Dhowr jeer oo horey ayey sidaan oo kale qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawac uga dhaceen duleedka Jowhar, waxaana qaraxyada qaarkood waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo gaadiid saarnaa, kuwaasi oo qaraxyo miinooyin ay haleeleen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts