Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay SL/XM/WM/222-942/092022, ku magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Ujeeddo: Magacaabid.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay:Â Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;
Markaan Arkay:Â Â Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay:Â In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey:Â Â Â La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In, Naasir Caydiid Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland.
Naasir Caydiid Maxamed Faarax ayaa waxaa uu horey u ahaa Wasiir Ku xigeenka Arrimaha Gudaha ee Dawladdaha Hoose ee Maamulka Somaliland, balse haatan ayaa waxaa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta.