HomeCaalamkaWafdi ka socda Shiinaha oo loo diiday inay galaan Baarlamaanka UK &...

Wafdi ka socda Shiinaha oo loo diiday inay galaan Baarlamaanka UK & sababta keentay

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Afhayeenka Aqalka baarlamaanka Britain, Sir Lindsay Hoyle, ayaa diiday codsi loo soo gudbiyey, oo ah in la galo Westminster Hall, sababo la xiriira cunaqabateynta Shiinuhu kusoo rogeen shan xildhibaan iyo labo saaxiibo la ah, Politico ayaa markii ugu horreysay sidaasi qortay. Boqorada Elizabeth-da Labaad, ayaa lagu wadaa in halkaasi la dhigo, illaa iyo aaskeeda, oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Afhayeenka Aqalka baarlamaanka Britain, Sir Lindsay Hoyle, ayaa diiday codsi loo soo gudbiyey, oo ah in la galo Westminster Hall, sababo la xiriira cunaqabateynta Shiinuhu kusoo rogeen shan xildhibaan iyo labo saaxiibo la ah, Politico ayaa markii ugu horreysay sidaasi qortay.

Boqorada Elizabeth-da Labaad, ayaa lagu wadaa in halkaasi la dhigo, illaa iyo aaskeeda, oo ku beegan maalinta Isniinta ah. Maamulka aqalka baarlamaanka, ayaa BBC-da u sheegay inaysan ka hadlin arrimaha ammaanka.

- Advertisement -

Sannadkii hore, Shiinaha ayaa xayiraad dhanka socdaalka ah, iyo xannibaad dhanka hantida ah kusoo rogay sagaal qof oo Ingiriis ah, oo ay ku jiraan toddobo xildhibaan, kadib markii ay Beijing ku eedeeyeen inay si xun ula dhaqanto Muslimiinta Uighur.

Taasi ayaa waxay keentay in safiirka Shiinaha ee UK laga mamnuuco baarlamaanka, iyadoo tallaabadaas haatan lagu kordhiyay horjoogsiga wafdi doonayay inay ka qeyb galaan aaska boqorad Elizabeth-da Labaad.

Xiriirka UK iyo Shiinaha, ayaa kal hore u xumaaday mamnuucis ay isu isticmaaleen labada dhinac, iyadoo aaney u badneyn in dhawaan laga heshiiyo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts