HomeCaalamkaWararkii ugu danbeeyay Shiinaha iyo Jabaan oo ka dhex tafatay xiisad la...

Wararkii ugu danbeeyay Shiinaha iyo Jabaan oo ka dhex tafatay xiisad la xiriirta Taiwan

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in shir ay yeelan lahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi iyo dhiggiisa Jabaan loo baajiyay war ka soo baxay Dalalka Warshadaha ku hormaray (G7) oo ku saabsanaa Taiwan. Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 – oo ay ku jirto Jabaan – ayaa Arbacadii u jeediyay Shiinaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in shir ay yeelan lahaayeen wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi iyo dhiggiisa Jabaan loo baajiyay war ka soo baxay Dalalka Warshadaha ku hormaray (G7) oo ku saabsanaa Taiwan.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 – oo ay ku jirto Jabaan – ayaa Arbacadii u jeediyay Shiinaha in uu xiisadda ka taagan marin-biyoodka Taiwan ku xalliyo si nabad ah.

- Advertisement -

Hua Chunying oo ah afhayeenka wasaaradda oo ka hadlaysay shir warbaahinta loo qabtay ayaa sheegtay in Beijing ay aad uga xun tahay hadalka.

Dhinaca kale Shiinaha ayaa gantaallo dhowr ah oo nooca riddada dheer ah ku riday biyaha u dhow jasiiradda Taiwan, gaar ahaan xeebaheeda dhinaca waqooyiga-bari iyo koonfur-galbeed.

Warkan waxaa shaacisay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Taiwan oo walaac wayn ka muujinaysay tallaabadaas militeri oo maalmihii lasoo dhaafay laga digayay.

- Advertisement -

Shiinaha ayaa sheegay inuu “howlgal millateri” ka bilaabay aagga jasiiradda Taiwan.

Wasiirka arrimaha dibedda Shiinaha,Lijian Zhao, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa tweeterka ku sheegay in ciidanka xoreynta shacabka ee PLA ay howlgal millateri oo wadajir ah ka bilaabeen agagaarka jasiiradda iskeed isu maamusha ee Taiwan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts