HomeCaalamkaWarshad aad u weyn laguna sameeyo Nukliyeerka oo xakamaynteeda faraha ka baxday

Warshad aad u weyn laguna sameeyo Nukliyeerka oo xakamaynteeda faraha ka baxday

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Warshad aad u wayn oo lagu sameeyo tamarta nukliyeerka oo ay qabsadeen ciidamada Ruushka ee duullaanka ku galay Ukraine ayaa “gebi ahanaba faraha ka baxday”, sida uu shegay madaxa hay’adda arrimaha nukliyeerka u qaabilsan Qaramada Midoobay. Rafael Grossi oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa sheegay in warshadda Zaporizhzhia ay u baahan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warshad aad u wayn oo lagu sameeyo tamarta nukliyeerka oo ay qabsadeen ciidamada Ruushka ee duullaanka ku galay Ukraine ayaa “gebi ahanaba faraha ka baxday”, sida uu shegay madaxa hay’adda arrimaha nukliyeerka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

Rafael Grossi oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka ee Associated Press ayaa sheegay in warshadda Zaporizhzhia ay u baahan tahay dib u eegis iyo dayactir.

- Advertisement -

“Waxyaabo badan ayaa socda, oo aan loo baahnayn in ay ka socdaan meel u dhow warshad nukliyeer lagu sameeyo,” ayuu yiri.

Warshaddan oo ah tan ugu wayn qaaradda Yurub ee awoodda nukliyeerka ayaa si halis ah ugu dhow dagaalka so socda Ukraine.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa horaantii Isbuucan Ruushka ku eedeeyay in warshaddaas, oo ay la wareegeen bishii March, ay u adeegsanayaan saldhig militeri oo ay ka weeraraan ciidamada Ukraine.

- Advertisement -

Saraakiisha dowladda Ukraine ayaa sheegay in Ruushka ay ciidamo geeyeen warshadda ayna qalab militeri ku kaydsadeen gudaha dhismaha warshaddan oo ku taalla meel u dhow webiga Dnipro ee mara waqooyiga Ukraine.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts