Waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay goordhaweyd lagu toogtay Nin Todobaadkaan Magaaladaasi ku dilay Haweenay lagu magacaabi jiray Aamina malaaq Mukhtaar, oo ka mid ahayd dadka Reer Baydhaba, sidoo kalena ahayd ganacsato.
Saaka ayaa goob fagaare ah waxaa lagu toogtay Maxamed Goomeey oo Maxkamadda Magalaada Baydhaba ay ku xukuntay dil toogasho ah.
Maxkamadda ayaa laa horkeenay caddeymo muujinaya in dilka uu ka dambeeyay Ninka saaka la toogtay, iyadoo sidoo kale dilka lagu fuliyay gacan ku dhiiglaha si weyn u soo dhaweeyay shacabka Reer Baydhaba, oo markii hore si weyn uga arga-gaxay dilkii foosha xumaa ee uu kula kacay marxuumad Aaamino.
Maxamed Goomey oo ah Ruuxa Saaka loo toogtay khisaastii Marxuumad Aaamina malaaq Mukhtaar ayaa maal mahaan baaritaanno lagu hayay, kadib markii ay soo qabteen Ciidanka Nabad Sugidda maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.
Aamina ayaa dhawaan waxaa maydkeeda lag helay guriga Ninka saaka latoogtay, iyadoo mayd ah, kadib maalmo badan oo la raadinayay, waxaana la sheegay in Ninku intuu dilay uu kadibna Boosaneer ku riday.