HomeWararMadaxtooyada oo shaacisay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb

Madaxtooyada oo shaacisay ujeedka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diirran ugu dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, masuuliyiin Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha ayaa Galmudug u tegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur si diirran ugu dhaweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, masuuliyiin Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha ayaa Galmudug u tegay si uu uga miro-dhaliyo qorshihiisa ku aaddan Soomaali heshiis ah, taas oo aas-aas u ah hirgelinta dib u heshiisiin dhab ah, mideynta shacabka Soomaaliyeed iyo xorreynta dalka, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey in uu u kuur-gelayo xaaladaha nololeed ee ka jira Galmudug, si dowladda federaalka ah ay doorkeeda uga qaadato horumarinta deegaanka iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha.

- Advertisement -

“Dhulka Galmudug ay ka kooban tahay in badan ayaa xor ah, in yarna cadowga Alshabaab ayaa ku harsan, waana u taagan yihiin reer Galmudug in ay xoreeyaan dhulkaas oo maalin walba waxay cadowgaas kula jiraan dagaal, anaguna waxaan ku garab istaagaynaa sidii ay cadowgaas muddada dheer ku daahay isaga xoreyn lahaayeen, taasina waxay ku suurta gelaysaa inanga oo midowna, qalbiyadana isu furna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxa uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, si uu uga dhageysto baahiyaha nololeed iyo amni ee ay qabaan dadka ku dhaqan deegaannada hoostaga Dowlad Goboleedka Galmudug.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts