HomeWararNabaddoon caan ahaa oo lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne

Nabaddoon caan ahaa oo lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa fiidnimadii xalay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle waxaa ay ku dileen Nabaddoon caan ka ahaa gudaha Magaaladaas iyo Gobolka. Nabaddoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Maxamuud (Cali Dheere) oo kamid ahaa Waxgaradka caanka ka ah Magaaladaasi, waxaana toogasho ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa fiidnimadii xalay xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle waxaa ay ku dileen Nabaddoon caan ka ahaa gudaha Magaaladaas iyo Gobolka.

Nabaddoonka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Maxamuud (Cali Dheere) oo kamid ahaa Waxgaradka caanka ka ah Magaaladaasi, waxaana toogasho ku dilay rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolad, xili uu ku sugnaa xaafada Xaawo Taako.

- Advertisement -

Falka kadib ayaa waxaa goobta isaga baxsaday dadkii ka dambeeyay dilka khaarijinta ee loo geystay Marxuuum Cali Maxamed Maxamuud, isla markaana waxaa sida caadada aheyd  goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Baladweyne.

Howlgal ayaa la sheegay inay ciidamada Booliska Magaalada Baladweyne ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan Magaaladaas, balse kuma guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan kooxihii hubeysnaa ee toogtay Cali Dheere oo sidoo kale ahaa Ganacsade.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka  Hirshabeelle ayaa marar badan lagu dilay Odayaal iyo dad kale oo bulshada indho u ahaa, waxaana inta badan baxsaday kooxahii hubeysnaa ee dilalkaasi qorsheysan ka geystay Magaalada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts