Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhanka Maamulka Puntland  ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas barqanimadii Maanta halkaas lagu dilay Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabi Sakeriye Siciid Salaad.
Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa toogasho ku dilay Marxuum Sakeriye Siciid oo ahaa Madaxii Waaxda Barakacayaasha Dowladda-hoose ee degmada Gaalkacyo, waxaana la dilay, xili uu ku sugnaa meel ku dhow xero ay degan yihiin dad Barakacayaal ah.
Dableydii ka dambeeysay dilka Sakeriye Siciid Salaad ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halka dilka ka dhacay gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Magaalada iyo qaar kamid ah ehelada Marxuumka oo halkaas ka qaaday Meydka.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta loo dilay Madaxii Waaxda Barakacayaasha Dowladda-hoose ee degmada Gaalkacyo ee Puntland Sakeriye Siciid, wuxuuna dilkiisa kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay magaaladaas oo loo geystay xubno isugu jiray Mas’uuliyiin iyo shacab.