Dowladaha Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa ka hadlay guusha uu gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, kaasi oo kusoo baxay doorasho ka dhacday Muqdisho.
Xildhibaanada Aqalka Congresska Maraykanka Ilhaan Cumar ayaa sheegtay in natiijada doorashada ay tahya guul usoo hoyatay ummada Soomaaliyeed.
“Dalka wuxuu u bahaan yahay dhammaantiin si aad uga wadashaqeysaan sidii looga gudbi lahaa xasiloonida darrada†ayay tiri Ilhaan Cumar
Dhanka kale Dowladda Ingiriiska ayaa ayaa dhankeeda hambalyo iyo bogaadin usoo dirtay Xasan Sheikh.
Wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Afrika Vicky Ford, oo qoraal soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa u hambalyeeysay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxay sheegtay in dowladda UK ay kala shaqeyn doonto madaxweynaha cusub saddex arrimood oo ay kamid yihiin dadaallada ku aadan xoojinta amniga, la dagaallanka Shabaab iyo taakuleynta dadka ay saameeyeen abaaraha ka taagan Soomaaliya.