Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Isniin ah si isku mid ah waxaa uga socda dabaaldegyo loo sameynayo munaasabada maalinta 1aad ee Ciidul Fitriga, ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd.
Dadweyne fara badan ayaa saaka u dareeray masaajidada Magaalada Muqdisho iyo goobo kale, halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii Ciiddul fitriga, iyagoo intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen Munaasabada Ciidda.
Waddooyinka waaweyn ee Caasimadda ayaa waxaa lagu arkayaa kumannaan dadweyne oo isugu jira dhallinyaro, Carruur, Haween iyo Odayaal da’ ah, kuwaasi oo siweyn Maanta u Ciidaya, isla markaana isku marxabeynaya Ereyo ay ka mid yihiin ciid wanaagsan.
Caruurta oo si gaar ah ugu dhex muuqatay dadka ayaa la arkayaa iyagoo wadooyinka ordaya oo ku lebisan dhar kala jaad ah oo qurux badan, isla markaana ku ciyaaraya waxyaabo kala gedisan oo dhawaaqaya sida Bastoolado, Firimbiyo iyo qalab kale oo loogu talo galay iney caruurtu ku ciyaarayaan.
Ciidda sanadkaan 2022 ayaa noqotay mid la isku raacay oo guud ahaan Soomaaliya laga wada Ciiddayo, iyadoo Ciiddaha qaar laga kala Ciiddi jiray laba maalin, balse sanadkaan ayaa dadka kunool Caasimadda iyo Gobolada dalka ay u Ciiddayaan si isku mid ah.